garoonka cusub ee United wuxuu noqon doonaa mid ka weyn Wembley Stadium iyo Camp Nou-da cusub ee Barcelona

Bishii Maarso ee sanadkan, taageerayaasha

 kubadda cagta ayaa si weyn u hadal-haynayay

 war kasoo baxay magaalada Manchester.

 Kooxda caanka ah ee Manchester United ayaa

 si rasmi ah u shaacisay sawirrada iyo

 qorshayaasha garoon cusub oo loo malaynayo

 inuu noqon doono mid ka mid ah kuwa ugu

 waaweyn adduunka, maadaama uu qaadi

 doono in ka badan 100,000 kursi 

Garoonkan cusub ayaa loo qorsheeyay inuu

 beddelo gurigooda taariikhiga ah ee Old

 Trafford, oo muddo ka badan boqol sano hoy

 u ahaa kooxda iyo taageerayaasheeda. Old

 Trafford waxaa lagu naanaysaa “The Theatre

 of Dreams” – tiyaatarka riyooyinka – balse

 United waxa ay u muuqataa in ay doonayso

 inay sameyso tiyaatar ka weyn, casri ah, oo

 buuxiya heerka cusub ee garoomada caalamiga ah.

Waxa xiiso gaar ah leh in naqshadda cusub ay

 leedahay muuqaal la mid ah teendho circus

 weyn oo leh saqaf qaloocsan, nalal casri ah iyo

 meelaha loogu talagalay taageerayaasha oo 

aad u ballaaran. Sawirrada hore ayaa

 horseeday dood badan, qaar waxay ku

 tilmaameen hal-abuurnimo, halka qaar 

kalena ay u arkeen in la tirtirayo ee 

taariikhda garoonkii hore eee man 

Laakiin hal arrin ayaa si weyn loo hadal 

hayay: mashruucan weyn ma aha mid 

kaliya uu Manchester United maalge

linayo, ee waxa ku jira qorshe ah in

 dowladda UK ay bixiso dhulka iyo 

qayb ka mid ah kaabayaasha. Taasi

 waxay dhalisay dood siyaasadeed, 

iyadoo su’aalo badan la iska

 weydiiyay sababta kooxda ugu taajirsan

 England ay ugu baahan tahay taageero dawladeed Kooxaa reer England 

Goobta loo qorsheeyay garoonkan cusub waa

 dhul ay tahay in marka hore la nadiifiyo, oo

 horey u ahaa meelaha warshadaha iyo

 bakhaarada. Nadiifinta dhulkaas waxa la

 sheegay inay ku kici karto boqolaal milyan 

oo gini, taasoo sababtay in United ay u

 baahan tahay taageero maaliyadeed oo ballaaran

Taageerayaasha qaar ayaa ku faraxsan riyadan

 cusub, iyaga oo leh garoonkan ayaa ku soo

 celin doona United heerkii ay ku lahayd

 awoodda suuqa iyo magaca kubadda cagta.

 Kuwo kalena waxay ka cabsanayaan in

 garoonka cusub uu noqon karo mashruuc

 qaata waqti dheer, kharash badanna keena,

 taas oo sababi karta in kooxda ay ku

 mashquusho arrimo dhaqaale halkii ay 

xoogga saari lahayd garoonka dhexdiisa.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, garoonka 

cusub ee United wuxuu noqon doonaa 

mid ka weyn Wembley Stadium iyo

 Camp Nou-da cusub ee Barcelona, 

taas oo ka dhigaysa garoonka ugu 

weyn Yurub. Waxaa intaa dheer, 

wuxuu ka mid noqon doonaa meelaha ugu

 muhiimsan ee lagu qaban karo

 ciyaaraha caalamiga ah, 

bandhigyada iyo xafladaha waaweyn.


Su’aasha ugu weyn ayaa weli taagan: goorma

 ayuu dhammaan doonaa? Maadaama

 mashruuc sidan oo kale ah uu qaadan karo

 tobanaan sano, taageerayaasha United waxa 

ay qirayaan in riyadani ay noqon karto 

mid aan si dhaqso ah loo arki doonin

Laakiin waxa hubaal ah, qorshahan

 ayaa mar kale ka dhigay United xarunta 

ugu weyn ee doodaha kubadda cagta caalamka.


1 Comments

Previous Post Next Post